XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Ciidamada dawlada KMG oo ku sii dhawaanaya Suuqa Bakaaraha iyo walaaca ay dadweynuhu ka qabaan .

june ,30.2008 (HawiyeNews.com)
 

Ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa lugu qaaday Weeraro xoog leh ,kuwasoo ay sheegtay dawladda Soomaaliya in laga soo qaaday Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday howlgalo ay ku sugayaan amaanka hareeraha suuqaasi & dhamaanba goobihii shalay laga soo qaaday dagaalada ,waxaana jira warar sheegaya in ay ciidamadu qabteen dad looga shakisan yahay dagaaladii shalay galinkii dambe ka dhacay Muqdisho.

Saraakiisha hogaaminaya ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa shaki weyn ka qaba in weeraradii shalay lugu soo qaaday ciidamada dawladda Soomaaliya ay soo qaadeen Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya oo taageero ka helaya Maleeshiyooyinka loogu magacdarey Ilaaliyaasha Ganacsiga Bakaaraha.

Dawladdu kama aysan ka hadlin dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya & waliba kuwii ugu dambeeyey ee lugu qaaday ciidamada dawladda Soomaaliya & Saaxiibadooda kaalmada Milaterisiinaya.

War kooban oo si hoose looga helayo Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in ay Suuqaasi ka socdaan kulamo looga gaashaamanayo dagaal ka qarxa Suuqaasi ,hadii ay soo galaan ciidamada dawladda Soomaaliya ,waxaana inta badan dhaca markii ay ciidamadu ku dhawaadaan Suuqaasi in ay bilowdaan dagaalo.

Dad badan ayaa ka walaacsan xaalada Saaka ka taagan Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ,waxaana maalmihii ugu dambeeyey Suuqaasi ahaa mid wanaagsan oo aysan ka dhaceyn wax amaan daro laga soo bilaabo Duqeyn xoog leh oo suuqaasi loo geystay ,markii ay dhaceen Hoobiyayaal lugu qaaday goobo uu ka mid yahay Garoonka Magaalada Muqdisho

 

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons