Shirka Madaxda Africa oo maanta
ka furmaya Magaalada Sharma-Sheikh ee dalka Masar.
june ,30.2008 (HawiyeNews.com)
Madaxda Africa ayaa maanta iskugu
tagaya hool weyn oo kuyaala Magaalada Loo dalxiis tago ee
Sharma-Sheikh ee dalka Masar ,waxa ayna halkaasi ku leeyihiin Shir ay
uga hadlayaan xaaladaha ay ku sugan yihiin dalalka Africa.
Shirka maanta furmaya waxaa lafilayaa in si gaar ah loogu soo qaado
arimaha Soomaaliya & Zimbabwe ,waxaana jooga Saraakiil kala duwan oo
ka socota Beesha Caalamka & Qaramada Midowbay ,ayagoo halkaasi ka
jeedin doona Warbixino kala duwan.
Arimaha Soomaaliya shirkan ayaa looga hadlayaa doorka Madaxda Africa
ee dadaalada Dibu heshiisiinta ee dalka Soomaaliya & sida loogu baahan
yahay in uu Midowga Africa qeyb ka qaato wax qabashada dhibaatada ka
taagan Soomaaliya.
Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo
Soomaaliya ujooga Shirkaasi ayaa lafilayaa in uu halkaasi ka jeediyo
Khudbad uu uga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya &
sida ay Africa inteeda badan uga gaabisay waxka qabashada Xaalada
Soomaaliya.
Madaxweyne Yuusuf ayaa sidoo kale lafilayaa in uu soo qaado xaalada
Dibu heshiisiinta ee Soomaaliya & ciidamo loo diro dalka Soomaaliya ,kuwasoo
taageera dawladiisa ,markaasna badala ciidamada dawladda Itoobiya.
Hogaamiyaal badan oo ka socda dalalka Africa oo ay ka mid yihiin
Madaxweynaha Kenya ,Madaxweynaha Ugandha & Ra'isal wasaaraha Ethiopia
ayaa lafilayaa in ay ka hadlaan xaaladaha Soomaaliya ,ayagoo ka xun
sida ay Africa uga gaabisay wax uqabashada dalka ay dagaaladu
aafeeyeen ee Soomaaliya.
Shirkan ayaa dhamaadkiisa la filayaa in ay ka soo baxaan go'aamo looga
hadlayo xaaladaha Africa oo dhan ,waxaana si gaar ah farta loogu fiiqi
doonaa Soomaaliya ,Suudaan & Zimbabwe
Email:
hawiyenews@gmail.com
|