XOGTA RASMIGA AH IYO XAALADA TAAGAN KALA SOCO HAWIYENEWS.COM
Afhayenka Hawiye
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali
Siyaasiga Hawiye
Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee beelaha Hawiye Cabdilaahi Sheekh Xasan.
New S.Y.L
Gudoomiyaha ururka New S.Y.L Cawaale
Latest Update: Thursday, December 13, 2007 4:21 PM

Dahabshiil

Xaalada Magaalada Guri ceel oo saaka degan kadib markii ay dagaalo ka dhaceen shalay iyo xalay.

june ,30.2008 (HawiyeNews.com)
 

Xaalada degmada Guri Ceel ee gobolka Gal gaduud ayaa saakay degan ka dib markii xalay dagaal uu ku dhaxmaray Ciidamada Ethiopia iyo xoogaga Ka soo horjeeda dowlada KMG iyo joogitaanka Ciidamada Ethiopia.

Wararka ka imaanaya magaalada Guri Ceel ee gobolka Gal gaduud ayaa saakay waxa ay sheegayaan in saakay magaalada ay ku waabar yeysatay deganaasho,waxaana magaalada lagu arkayay dad tiro yar kuwaasi oo marayay magaalada islamarkaana ay eegayeen xaalada goobihii ay madaafiicdu lagu gaaray ee magaalada guri ceel ee gobolka gal gaduud.

Cisbitaalka Magaalada ayaa waxa la gaarsiiyay dhaawacyo kor u dhaafaya 10 Ruux kuwaasi oo dhaawacyo ka soo gaareen madaafiic iyo Rasaas isugu tagay gudaha Magaalada iyo dul miyi ah oo ayku lugeynayeen,waxaana sidoo kale Cisbitaalka la gaarsiiyay oo ay ka mid ahaayeen haween ay haleeshay rasaas ku dhacday meel ay ku sugnaayeen.

Qaar ka mid ah dadka fara ku tiriska ah ee ku haray Magaalada guri Ceel ayaa sheegaya in qeybo badan oo ka mid ah magaalada uu dab ka kacay markii guryaha qaar uu madfac ku soo dhacay,waxana iyana jira meelo ganacsi uu dab ka kacay markii ciidamada Ethiopia ay ku garaaceen madaafiic oo bur buriyay agagbkii ganacsi.

Shirkadaha ganacsi ee ku yaala magaalada Guri ceel ee gobolka gal gaduud ayaa la sheegayaa in ay wax yeelo ka soo gaartay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Guri Ceel.

Majiro war ka soo baxay dhinacyada dagaalamay oo cadeyn kara qasaraaha soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay hasa ahaateen dagaalkaan ayaa yimid markii xoogaga ka soo horjeeda ay Weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Ethiopia ay ku lahaayeen goob Cafaimaad oo ku taala duleedka magaalada Guri ceel ee Gobolkaasi Gal gaduud.

Dhanka kale Dadkii ka qaxay magaalada Guri Ceel ee gobolka gal gaduud ayaa waxa ay gaareen meelo ka baxsan magaalada oo ay ka jiraan oon iyo gaajo,waxaana dadka barakacay ku jira dad horay muqdisho uga soo barakacay dagaalka iyo duqeyn Ciidamada Ethiopia ay ka geysteen magaalada Muqdisho.

Dagaalada ka dhacaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa saameynta ugu badan waxa ay ku yeelataan dadka rayidka ah taa soo loo tixgaliyay in ay tahay dhibaatadii ugu baahsaneed ee taariiqa soo marta ,waxaana hay’daha QM ay sheegeen in ay barakceen dad tiradooda laysku raacin oo gaaraya halmiyan oo qof oo u baahan gar gaar bina aadnimo.

 

Email: hawiyenews@gmail.com

Jubba Airways
Xawaalada Olympic
 
 
   
HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
Overstock Coupons